Sedax Sarkaal oo Ciidamada Itoobiya looga Dilay Qarax Lagula Beegsaday Duleedka Buurhakaba.

Saturday March 04, 2017 - 09:42:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Sarkaal oo Ciidamada Itoobiya looga Dilay Qarax Lagula Beegsaday Duleedka Buurhakaba.

    Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Mooda-Moode ee gobolka Bay saraakiil katirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu dilay qarax miino oo wadada loogu aasay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Mooda-Moode ee gobolka Bay saraakiil katirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu dilay qarax miino oo wadada loogu aasay.



Wararka laga helayo gobalka Baay waxey sheegayaan in qarax miino lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada  Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo.

Qaraxa waxuu sigaar ah uga dhacay deegaanka Mooda-moode oo ka mid ah deegaada dhaca wadada Laamiga ah waana waddo halbowlle u ah isku gudbinta saadka melleteriga ee ciidanka Itoobiya ee ku kala sugan magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.



jugta qaraxa oo laga maqlay meela  fogfog ayaa ayaa la sheegay in khasaara lixaad leh uu gaarsiiyay ciidamada la weeraray, wariye Cali Yare oo goboka Bay ku sugan wuxuu soo sheegay in ciidanka Itoobiya markii laqarixyay kadib ay muddo saacada ah ku sugnaayeen wadada ayna hakiyeen socodkoodii.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items