Xoogag Hubeysan oo La Wareegay Magaalooyinka laga Dhoofiyo Shidaalka Liibiya.

Saturday March 04, 2017 - 11:06:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Hubeysan oo La Wareegay Magaalooyinka laga Dhoofiyo Shidaalka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaano dhaca bariga wadankaasi oo ay kuyaallaan ceelasha shidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyad Xiftar ayaa Sep,2016 la wareegay ceelasha Naftada Liibiya
Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaano dhaca bariga wadankaasi oo ay kuyaallaan ceelasha shidaalka.

Xoogag hubeysan oo xiriir leh islaamiyiinta ayaa dagaallo culus kadib waxay la wareegeen inta badan magaalooyinka dhaca Bariga wadanka Liibiya ee laga dhoofiyo shidaalka iyo ceelasha naftada soo saara ee ugu waaweyn wadanka.

Telefeshinka Afka carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa sheegay in kooxda (Difaaca Banghazai) ay si buuxda ula wareegtay magaalooyinka dekadaha leh ee kala ah Bin Jawaad, Raaslanoof,Bin Waliid iyo Alsadrah oo ay kuyaalaan dekadda ugu weyn ee laga dhoofiyo shidaalka Liibiya.


Yaasir Al-Janaali oo u hadlay kooxaha qabsaday ceelasha Naftada Liibiya ayaa sheegay in ay dhabarka ka jabiyeen maleeshiyaad daacad u ahaa dagaal Ooge Khaliif Xiftar oo liibiya ka wada dagaal uu ugu magac daray ‘Xididda siibidda Argagaxisada’ wuxuuna taageera ka helayaa dowladaha reer galbeedka iyo Masar.

Mas’uuliyiinta Kooxda Saraayada Difaaca Bin Ghazi ayaa sheegay in ay u dhaqaaqi doonaan dhanka magaalada caasimadda u ah gobolka Albarqah halkaas oo ay ku hareeraysanyihiin kumanaan qoys oo Rayid ah.

Maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar ayaa hareerayn daran kusoo rogay magaalada Banghazi halkaasi oo ay duqeymo iyo gaajaysiin ka wadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items