Akhriso: Xarakada Al Shabaab Oo Ka Tacziyeeyay Istish-haadka Sheekh Abil-kheyr Al-misri.

Sunday March 05, 2017 - 07:59:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Xarakada Al Shabaab Oo Ka Tacziyeeyay Istish-haadka Sheekh Abil-kheyr Al-misri.

    Hogaanka sare ee Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa ka tacziyeeyey istish-haadka Sheykh Axmed Xasan Abul kheyr oo ka mid ahaa hogaanka sare ee Mujaahidiinta Alqaacida, kaas oo dhamaadkii bishii la soo dhaafay ku shahiiday duqeyn diyaaradaha dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaanka sare ee Xarakat Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa ka tacziyeeyey istish-haadka Sheykh Axmed Xasan Abul kheyr oo ka mid ahaa hogaanka sare ee Mujaahidiinta Alqaacida, kaas oo dhamaadkii bishii la soo dhaafay ku shahiiday duqeyn diyaaradaha dowladda saliibiga ee Mareykanka ka geysatay gobalka Idlib ee waqooyiga dalka Suuriya.



Bayaankan kasoo baxay hogaanka guud ee Mujaahidiinta, waxaa ciwaan looga dhigay:

ويتخذ منكم شهداء

Waxaana guud ahaan muslimiinta, si gaar ah Mujaahidiinta iyo ahalka Sheekh Abul Kheyr looga tacziyeeyey istish-haadka Sheekha iyadoona si kooban loo soo qaatay qeyb kamid ah taariikh-da Sheekhan halyeeyga ahaa ee Axmed Xassan Abil Kheyr.



Fur furasho kadib waxaa bayaanka lagu bilaabay Aayadda 111 ee suuradda towba.


"Aayadaan wanaagsan ayaan ugu tacziyeyneynaa, uguna hambalyeyneynaa umadeena muslimka ah, waxaana uga tacsiyeeynaynaa isitish-haadka Sheekha fadliga badan, iyo hogaamiyaha sharafta badan ee Abil kheyr Axmed Xassan Al-Misri Allaah u naxariistee. Waxaan taczi gaar ah u direynaa Ehelka iyo qaraabada Sheekha , waxaana ku boorineynaa sabarka oo ah mid wanaagsan.

Waxaan sidoo kale u tacziyeyneynaa walaalaha Iimaanka iyo Jihaadka aan kula walaalownay ee Qaacidatul Jihaad ee aan ku faanno, oo uu ugu horeeyo sheekha Amiirka ah Dr. Ayman Al-Dawaahiri –Xafidahullaah- waxaana uga tacsiyeeyneynaa waysmada uu waayey geesigan himada sare leh, iyo Qaa’idkan safka hore ku hormara, iyo buurtan sarreysa. Waxaan Allah waydiisaneynaa in dhamaan dadkaas uu ku arzuqo samir iyo waxay ku hilmaamaan musiibadan.”

Allaah Cazza Wajalla wuxuu yiri : 

Ka dib tobanaan sano oo uu ku qaatay saaxaadka dagaalka iyo jalaafeynta Ahalka Kufriga iyo baadinimada, wuxuu sheekhu ka degtay faraskiisa, isagoo ku dhegan riishadda qorigiisa, si uu dhiigiisa daahirka ah ugu qoro micnaha sabarka, adkeysiga, Nafhurka iyo furashada. Inkastoo laga warqabo ciriiriga xabsiga, qaxarka baacsashada iyo dhibaatada safarka, kama reebin Sheekhu inuu sii wado Jihaadka iyo ku baaqitaanka in loo xukun tago Sharciga Allaah.

Wuxuu kamid ahaa Allaha u naxariistee hogaamiyaasha wax wanaajiya, iyo umarada saadiqiinta ah, Naxsabuhu Wallaahu Xasiibuhu, kuwaas oo qoorahooda u bixiyay iyo waxay heystaan oo dhan sare u qaadida kalimadda Allaah, u hiilinta Mustadcafiinta, iyo hirgelinta Sharciga rabbiga caalamka. Wuxuu sheikh Abil Kheyr ku sifoobay dabeecad wanaag, iyo inuu ku dadaalo mideynta Muslimiinta iyo kulminta kalimadda Mujaahidiinta, wuxuuna ku tarbiyeeyay wiilasha Umadda in walaha, hiilinta, iyo walaaltinimada ay ku dhisantahay kalimadda towxiidka, iyo in xiriirka iimaaniga ah uu ka sarreeyo guud ahaan xiriirada ururada, sida uu yiri Rabbigeena.

والمؤمنون والمؤمنات بعضهم اولياء بعض

Wiilasha umadda Muslimka ah, si gaar ah kuwa ku nool Masar waa iney isdul taagaan dhabaha Qaa’idkan murabiga ah, iyo amiirkan Zaahidka ahaa islamarkaana ballan oofinta badnaa. Ayna ku socdaan waxay ku socdeen kuwii baariyaasha ahaa iyo mashaa’ikhdooda Axraarta ahaa sida Al-Sheykh Abil Khayr Al-Misri, Al-Callaamah Sheekh Cumar Cabdi-Raxmaan, Sheykh Abuu Xafsa Al-Misri, Sheykh Abil Xasan Al-Saciidi, Sheykh Abuu Xamza Al-Muhaajir, Sheykh Abuu Cubeyda Al-Banshiiri iyo kuwa la midka ah Allaha u naxariistee dhamaantooda.

Allaah idinkii, dhiiga kuwaas sharafta badan loogama tagi doono cayaar cayaar. inaan u aar gudno hogaamiyaasheena waa deyn luqunteena ku jirta dhamaanteen, waana ka qisaasan doonnaa Maraykanka iyo umadaha kufriga ah dhiigga qof kasta oo Muslim ah ee ay daadiyeen.

Waxaa nimco badnaaday hogaanka Jihaadka, kuwaas oo hadallada ku dhabeeyey ficillo, cilmigana racsiiyay camal. Allaah idinkii dhiigooda wuxuu noqon doonaa faynuus ifineysa wadada Jihaadka oo ay ifsadaan jiilasha soo socda. Mar dhowna taayarka Jihaadka wuxuu u socon doonaa horey, mana istaajin doono dhagaraha gaalada, iyo qiyaanada Murjifiinta, illaa uu Alle ka kala xukminayo anaga iyo daalimiinta.

Related Items