Cosoble "Dowladaha Dariska si indha la'aan Ah ayay u Hubeynayaan Maamul goboleedyada".

Sunday March 05, 2017 - 10:46:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cosoble "Dowladaha Dariska si indha la'aan Ah ayay u Hubeynayaan Maamul goboleedyada".

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ayaa ka shanqariyay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay si gaar ah u maamulaan gobollo katirsan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ayaa ka shanqariyay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay si gaar ah u maamulaan gobollo katirsan Soomaaliya.

Cabdi Cabdullaahi Cosole oo dhowr mar booqasho ku tagay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi ayaa sheegay in dowlado uu ku sifeeyay ‘Daris’ ay majaraha u hayaan maamul goboleedyada isagoo walaaca ka muujiyay hubka faraha badan oo ay siinayaan maamulladaasi.

"Dowladaha dariska ah waxay si indha la’aan ah uhubeynayaan maamul goboleedyada iyadoo aysan waxba kala socan dowladda dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Cosoble.


Hoggaamiyaha Hirshabelle ayaa carabaabay in indhihiisa uu kusoo arkay iyadoo saanado hub ah lasiinayo maamul goboleedyo uusan magac dhabin "aniga ayaa indhahayga ku arkay iyadoo dowlado daris ah ay hubeynayaan maamul goboleedka waana arrin dhaawici karta dowladnimada soomaaliya” Cali Cabdullaahi Cosoble.

Max’med C/llaahi Farmaajo hoggaamiyaha cusub ee DF-ka ayuu ugu baaqay in uu wax ka qabto faragelinta shisheeyuhu ku hayaan dalka Soomaaliya oo uu ku sifeeyay mid dhaaftay heerkii loogu talagalay.

Warka kasoo yeeray Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Kenya ay maamullo magac uyeel ah oo danahooda ka shaqeeya ay ka dhisteen magaalooyinka ay qabsadeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items