Maamulka 'Puntland' Oo Xiray Xafiisyadii Telefeshinka UNIVERSAL ee Ku lahaa Boosaaso iyo Garowe.

Sunday March 05, 2017 - 10:43:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka 'Puntland' Oo Xiray Xafiisyadii Telefeshinka UNIVERSAL ee Ku lahaa Boosaaso iyo Garowe.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa Albaabada isugu dhuftay xafiisyadii uu deegaanada dhaca waqooyi Bari Soomaaliya uu ku lahaa Telefeshinka UNIVERSAL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa Albaabada isugu dhuftay xafiisyadii uu deegaanada dhaca waqooyi Bari Soomaaliya uu ku lahaa Telefeshinka UNIVERSAL.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in Telefeshinka UNIVERSAL uu ku lug lahaaday kicin dadweyne iyo abuurista xaalado nabad gelyo xumo sida warka loo dhigay.

Warka kasoo baxay maamulka Garoowe ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan shaqadii uu Telefeshinku ka waday degmooyinka iyo deegaanada uu kajiro maamulka Cabdi Wali Gaas.

Xiritaankan ayaa imaanaya kadib warbixino maqal iyo muuqaal ah oo uu UNIVERSAL ka diyaariyay waxqabadka maamulka Gaas xilli ay isisoo tarayaan diidmada maamulkaasi kala kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items