Xildhibaan Katirsan Xukuumadda iiraan oo Aflagaadeeyay Asaxaabta Nabiga SCW Warbixin.

Sunday March 05, 2017 - 18:00:02 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsan Xukuumadda iiraan oo Aflagaadeeyay Asaxaabta Nabiga SCW Warbixin.

    Dowladda iiraan waxay si toos ah iyo si aan tioos aheyn ugu lug leedahay duullaanada lagu qaaday dalalka ay ku dhaqanyihiin muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda iiraan waxay si toos ah iyo si aan tioos aheyn ugu lug leedahay duullaanada lagu qaaday dalalka ay ku dhaqanyihiin muslimiinta sunniga ah.



Kariim Quduusi oo ah xildhibaan ka tirsan golaha dhawaaqiida ee xukuumada Faarisiga ee iiraan ayaa ku faanay in dowladooda ay ku guuleysatay in hogaamiyeyaal awoodleh ku dhex abuurato wadamada carabta iyo qaar ka mid ah dalalka dhaca qaarada Africa, Isagoona sheegay in dhammaan hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee waayadii dambe soo baxay ay yihiin natiijooyinkii ka dhashay mashruuca kacaanka iiraan.

Ninkan ayaa ku faanay in Iran ay isbalaaran xoogan ka sameysay wadamada dhaca bariga dhexe iyo xitaa qaar ka mid ah Africa, ayna ku guuleysatay in ay dhexgasho wadama badan kuna beerto fikirkeeda.



Quduusi oo ah xubin ka tirsan gudiga amniga qaranka iyo siyaasadda dibadda ee baarlamaanka iran ayaa sidoo kale halyeeyo ku tilmaamay Nimir An-Nimr oo ah wadaadi shiici ah oo sanadkii hore lagu dilay Sacuudiga, hogaamiyaha Xusbu-Sheydaan Xasan Nasrallah, hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdul Malik Al-Xuuthi, hogaamiyaha xizbiga shiiciga ah ee dalka Nigeria kuwaas oo uu sheegay in fikirka kacaanka iiran ay gaarsiiyeen meelo ka baxsan dalkooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale xildhibaankan ka digay tayaar uu sheegay in dhawaan uu ka soo baxay dalka Iiran kaas oo loolan adag kula jira nidaamka hadda jooga ee uu xukunka u Ayatullaah Cali Qominey. Waxa uu tilmaamay in tayaarkan cusub ee ugubka ah uu xambaarsan yahay dhaqanada reer galbeedka, uuna doonayo in uu meesha ka saaro nidaamka hadda jooga. "Waa in aan hor istaagnaa tayaarkan cusub ee ku xiran reergalbeedka " ayuu yiri Quduusi.

Khudbadan oo uu ka jeediyey magaalada Mash-had oo ah magaallo ay ku badan yihiin muslimiinta Suniga ah ayuu sidoo kale ku sheegay in nidaamka Iiraan uu ku guuleystay in Oloha kacaanka  iyo fikirkooda uu u raro wadamada Sacuudiga iyo Yemen, ayna maanta halkaas ka jiraan tayaaraat si toos ah ugu xiran xukuumada Iiraan.

Intii lagu guda jiray khudbadan uu ku weerarayey dadka Ahlu Sunaha ah  kuna Amaanay kobaca iyo hormarka kacaanka faarsiga ah ee Iiraan ayuu kale jeediyey hadal gef iyo meel ka dhac ah ku ahaa saxaabada rasuulka Ridwaanullaahi Caleyhim.

Magaalada Mash-had waxaa lagu tilmaamaa magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Iran, uguna dadka badan. Waxay ku taalaa waqooyi bari wadanka, waxayna dhacdaa xad-beenaadka ay Iiraan la wadaagto Afghanistan iyo Turkuministan. Waxaa la sheegaa in ay hooy u tahay ku dhawaad saddex milyan oo dad ah.

Qaar ka mid ah dadka Ahlu sunaha ah ee ku dhaqan dalka Iiran ayaa talaabadan ku tilmaamay weerar ula kac ah oo la doonayo in dadka muslimiinta lagu ihaaneysto, ayna wax la soo qorsheeyey tahay in hogaamiye faaris ah uu yimaado magaallo ay ku xoogan yihiin muslimiinta suniga uuna ka jeedinayo halkaas oo kale.

Waxaa la tilmaamaa in dadka muslimiinta ee Ahlu Sunaha ee ku dhaqan wadanka Iiraan uu cadadkooda gaarayo ku dhawaad 20 milyan, Waxayna degaan magaalooyinka iyo gobollada dhaca xad-beenaadyada.

Dadkaan badankood waxay kasoo jeedaan shucuubta aan faarsiga ahayn sida Akhraadda, Bolojistaaniyiinta, Carabta, Turkumaaniyiinta, jeylik iyo kuwa aanan badneen oo faarisiyiinta ka mid ah.


 

Related Items