Weerar Askar Lagu Dilay oo ka dhacay Koonfurta Dalka Yemen.

Tuesday March 07, 2017 - 07:49:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay oo ka dhacay Koonfurta Dalka Yemen.

    Ku dhawaad 10 Askari oo katirsan ciidamada xukuumadda dabadhilifka Yemen ayaa lagu dilay weerar ay xoogaga ansaaru shareecah ka fuliyeen wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 10 Askari oo katirsan ciidamada xukuumadda dabadhilifka Yemen ayaa lagu dilay weerar ay xoogaga ansaaru shareecah ka fuliyeen wadankaasi.



Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weerar hubeysan oo ciidamada mujaahidiinta Ansaaru shareecah ay ku qaadeen saldhig melleteri oo kuyaal Koonfurta wadanka Yemen.

Wararka ka imaanaya gobolka Abyen ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 askari oo katirsanaa ciidamada xukuumadda dabadhilifka lagu dilay weerar gaadma ah oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan ku dhow magaalada xarunta u ah gobolka Abyen ee Zunjibaar.



Sida dad goob joogayaal ah ay u sheegay in wakaaladaha wararka reer galbeedka xoogaga Ansaaru shareecah ayaa weerarka ku kediyay maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka ah ee mareykanka iyo dowladaha carabta tabababareen kuwaasi oo loo yaqaan "Alxizaamul Amni”, waana maleeshiyaad qaabilsan sugidda amniga gobollada dhaca Koonfurta Yemen oo ay kamid tahay magaalada Dekadda leh ee Caden.


Ugu yaraan 7 Askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka oo ka dhacay bar koontarool oo ku dhow saldhig melleteri oo xiligaasi ay ku sugnaayeen tababarayaal u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta.


Warbaahinta maxalliga Yemen oo soo xiganaysa abaanduule katirsan ciidamada melleteriga xukuumadda dabadhilifka Cabdi Rabih Haadi Mansuur ayaa baahisay in dhimashadu ay ku dhowdahay 10 Askari.


Weerarkan khasaaraha dhaliyay ayaa imaanaya saacado kadib markii diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ay duqeymo ba’an ka geysteen deegaano katirsan gobollada Shabwah iyo Abyen halkaasi oo ay ku beegsadeen xubno katirsan dagaalyahanada Ururka Al qaacidda ee Jaziiradda carabta.

Wasaaradda G/dhigga Mareykanka war ay soo saartay ayay ku sheegtay in weeraro is xigxigay oo ay ka qeyb qaateen ciidamada kumaandooska saliibiyiinta iyo kuwa xukuumadda Yemen ay ka dhaceen gobollada ku teedsan Koonfurta wadankaasi.


Duullaanka ashahaadda ladirirka ee ka dhanka ah mujaahidiinta Yemen ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu Donald Trump uu qabtay xilka madaxweyne ee wadanka Mareykanka.

Weerar bishii lasoo dhaafay ka dhacay mandiqadda Yakla ee gobolka Albeydaa waxaa ku dhintay in kabadan 52 qof oo ubadan carruur iyo haween marras ah.

Related Items