Maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo Shacab Rayid Ah Ku Xasuuqay Gobolka Oromia Ee Dalka Itoobiya.

Tuesday March 07, 2017 - 09:54:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo Shacab Rayid Ah Ku Xasuuqay Gobolka Oromia Ee Dalka Itoobiya.

    Kumanaan katirsan maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu booliska ee taabacsan xabashida Itoobiya ayaa lagusoo warramayaa in ay xasuuq daran ka geysteen gobollada Muslimiintu deganyihiin ee duleedka Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu booliska ee taabacsan xabashida Itoobiya ayaa lagusoo warramayaa in ay xasuuq daran ka geysteen gobollada Muslimiintu deganyihiin ee duleedka Addis Ababa.

Saraakiil katirsan kooxaha mucaaradka qowmiyadda muslimiinta Oromada ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya uu gobolka soo geliyay boqolaal askari oo katirsan kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ee kasoo jeedo dhulka Somaligalbeed.

Ugu yaraan 150 qof ayaa la sheegay in ay dileen maleeshiyaadka Liyuu Booliska halka ay gubeen 14 tuulo oo dhaca gobolka Orimiya oo ah meesha ugu daran ee uu ka socdo kacdoonka lagu diidanyahay taliska Xabashida.


Mas’uul u hadlay qowmiyadda Oromada ayaa ku eedeeyay Cabdi Muxamed oo Cabdi Ileey ku magac dheer in uu magaalooyinka Godeey iyo Jigjigo ka daabulay kumanaan Maleeshiyaad ah islamarkaana uu ku xasuuqayo dad marras ah.

Waxaa lasoo wariyay kufsi iyo xasuuq ay geysteen maleeshiyaadka Liyuu booliska ah, kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya markii ay ku fashilmay daminta kacdoonka uu bilaabay  in uu u adeegsado maleeshiyaadka Soomaalida dabadhilifyada ah oo caan ku ahaa xasuuqa shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items