Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo Tobaneeyo qof Shacab Ah Ku Xasuuqay Gobollo Katirsan wadanka Afghanistan.

Tuesday March 07, 2017 - 17:42:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo Tobaneeyo qof Shacab Ah Ku Xasuuqay Gobollo Katirsan wadanka Afghanistan.

    Ku dhawaad 70 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay duqeymo cadawtooyo oo diyaarahada dagaalka dowlada Mareykanka ay ka geysteen gobollo katirsan wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 70 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay duqeymo cadawtooyo oo diyaarahada dagaalka dowlada Mareykanka ay ka geysteen gobollo katirsan wadanka Afghanistan.



Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka ah ay xasuuq ka geysteen illaa iyo 4 gobol.

Bayaan kasoo baxay imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in 66 qof ay ku shahiideen duqeymo kala duwan oo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ka dhacay wadankaasi.

Dadka dhintay oo u badnaa carruur iyo haween ayaa badankood lagu dilay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga ukaca ee melleteriga mareykanka iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan.



Gobollada ay duqeymaha wuxuushnimo ka dhaceen waxaa kamid ah Takhaar, Meydaaan Wardak iyo Faraah, war saxaafadeed uu ku saxiinaa sheikh dabiixullaahi Mujaahid Afhayeenka Taliban ayaa lagu sheegay in 15 qof shacab ah ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha B52 ay ka geysteen degmada ugu weyn gobolka Faraah.

Bayaanka kasoo baxay imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu cambaareeyay xasuuqa ay ciidamada Mareykanka ugeysanayaan shacabka muslimiinta rayidka ah.

"Imaarada islaamiga lahjadda ugu daran ayay ku cambaaraynaysaa xasuuqa waxashnimada leh oo ay geysanayaan mareykanka iyo cumalada waana khiyaano weyn oo ka dhan ah shacabka caamada afqaaniyiinta ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay imaarada Islaamiga ah.

Xasuuqan ay ciidamada Mareykanka ka geysanayaan gobollo katirsan wadanka Afghanistan waxaa barbar socda duqeymo xagga cirka ah oo cadawgu uu ku dilayo mas’uuliyiinta imaarada islaamiga ah waxaana ugu dambeeyay dilkii loo geystay sheikh Mulla Cabdi Salaam waaligii gobolka Qunduuz ee waqooyiga Afghanistan.

Related Items