Al Shabaab: Afar Askari Kenyaan Ah Ayaan Ku Dilnay Qaraxyo Ka Dhacay Xuduud Beenaadka.

Wednesday March 08, 2017 - 10:40:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab: Afar Askari Kenyaan Ah Ayaan Ku Dilnay Qaraxyo Ka Dhacay Xuduud Beenaadka.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada shisheeyaha Kenya kasoo gaaray qaraxyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari laga gubay ciidanka KDF
Khasaara xooggan ayaa ciidamada shisheeyaha Kenya kasoo gaaray qaraxyo xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday xad beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.




Wararka ka imaanaya deegaanka Lamu ayaa sheegaya in illaa Afar qarax  lagula beegsaday ciidamo katirsan melleteriga KDF iyo shaqaale Kenyaan ah oo xilligaasi ku howlanaa dhismaha wadda jid cadda ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyo is xigxigay oo melleteriga Kenya ay kula beegsatay xuduud beenaadka lagu gubay Afar Baabuur oo laba kamid ah ay ahaayeen gaadiid melleteri.



"Afar askari oo katirsan saliibiyiinta Kenya ayaa ku dhimatay qaraxyo ka dhacay xuduud beenaadka 9 kalane dhaawacyo ayaa soo gaarayā€¯ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sida ay baahisay idaacadda Andalus gaadiidka lagubay waxaa kamid ahaa cagaf cagaf iyo wiish ka qeyb qaadanayay dhismaha waddo ay ciidanka Kenya ka falayeen wadada xiriirisa deegaanka Kulbiyoow iyo Kaambooni.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in halka askari looga dilay qaraxyada halka 5 Askari ay uga dhaawacmeen qaraxyo shalay lagula beegsaday deegaanka Laamu.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi oo soo xiganaya saraakiil katirsan booliska ayaa sheegay in qaraxyada khasaaraha dhaliyay ay gaarayeen laba qarax kuwaasi oo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in weeraradan ay dhaceen xilli ciidanka Kenya ay ku howlanaayeen dhismaha waddo jid cadda ah kadib markii Xoogaga Al Shabaab ay jareen waddooyinkii ay saadka isku marsiin jireen melleteriga Kenya.

Weerar bishii Janaayo 2017 ka dhacay deegaanka Kulbiyoow ayaa lagu dilay 71 askari oo katirsanaa ciidanka Kenya ee duullaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items