Boqorka Sacuudiga oo isku Day Dil Ka Badbaaday Xilli uu ku Sugnaa Dalka Malaysiya.

Wednesday March 08, 2017 - 10:36:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga oo isku Day Dil Ka Badbaaday Xilli uu ku Sugnaa Dalka Malaysiya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Malaysiya ayaa lagu sheegay in isku dil uu ka bad baaday boqorka wadanka Sacuudi Carabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Malaysiya ayaa lagu sheegay in isku dil uu ka bad baaday boqorka wadanka Sacuudi Carabiya.



Taliyaha Booliska wadanka malaysiya Jeneraal Khaalid Abuubakar oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kuwalalambuur ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka wadankiisa ay ka hortageen kooxo doonayay in ay khaarijiyaan Salmaan Bin C/Caziiz Hoggaamiyaha Sacuudiga.

"Todobo ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay dili rabeen Boqorka Sacuudiga ayaan gacanta ku dhignay, baaritaano ayaana socda oo ku aaddan cidda soo maleegtay qorshahan argagaxiso” ayuu yiri Khaalid Abuu Bakar.



Booliska Malaysiya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka gacanta lagu dhigay afar kamid ah ay yihiin Yamaniyiin, laba qof Indonesian ah iyo qof kale oo kasoo jeeda dalka Malaysiya.

Warbaahinta maxalliga wadankaasi waxay sheegtay in isku dayga dil loo adeegsan lahaa gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay iyo Bambaanooyin xilli Boqorka Sacuudiga uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kuwalambuur.

illaa iyo hadda xukuumadda Sacuudiga kama hadlin warkan sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday ‘Boqor’ Salmaan Bin C/Caziiz.

Dowladda Sacuudiga ayaa kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada iyadoo garab tagaan Mareykanka iyo dowladaha reer galbeedka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items