Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Degmada Dharkeynleey.

Wednesday March 08, 2017 - 10:36:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Lagu Dilay Degmada Dharkeynleey.

    Magaalada Muqdisho waxaa kusii xoogeysanaya dilalka qorshaysan ee lagu ogaarsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore sarkaal lagu dilay Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa kusii xoogeysanaya dilalka qorshaysan ee lagu ogaarsanayo askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka.



Dilalka ugu badan waxay dhaceen wixii ka dambeeyay sideedii bishii Feberaayo xilligaasi oo madaxweynaha dowladda Federaalka loo doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.

Xalay Fiidkii ayay xoogag hubeysan degmada Dharkeynleey ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Faysal wuxuuna katirsanaa sirdoonka DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Faysal uu kamid ahaa saraakiisha sirdoonka gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka, xoogagii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah uga baxsaday goobta dilka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items