Sawirro: Mas'uul katirsanaa Maamulka 'Puntland' oo Lagu Dhaawacay Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda.

Wednesday March 08, 2017 - 19:43:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mas'uul katirsanaa Maamulka 'Puntland' oo Lagu Dhaawacay Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda.

    Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay mid kalane waa dhaawacmay kadib markii qarax lala helay gaari uu la socday xildhibaan katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay mid kalane waa dhaawacmay kadib markii qarax lala helay gaari uu la socday xildhibaan katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Puntland'.

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhaawac culus uu gaaray Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ahaa guddoomiyaha guddiga difaaca  gobolka Mudug ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in dhaawac halis ah uu gaaray xildhibaanka islamarkaana uu geeriyooday Nin darawal u ahaa, ciidamo katirsan booliska maamulka Puntland ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay.


Taliyaha booliska qeybta Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawaca  Xildhibaan Bootaan uu aad uliito, walxaha qarxo oo gaariga xildhibaanka lagu qariyay ayaa la xaqiijiyay in ay dhaliyeen qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha waqooyiga Gaalkacyo.

C/qaadir Faarax Bootaan ayaa hayay xilka guddoomiyaha guddiga difaaca gobolka Mudug wuxuuna kaalin weyn kulahaa dagaallo sanaddii lasoo dhaafay Al Shabaab iyo 'Puntland' ku dhaxmaray deegaanada Garacad iyo Suuj oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug.

Dhinaca kale war kasoo baxay xarakaa Al Shabaab ku sheegatay Mas'uuliyadda dilka Xildhibaan Bootaan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadashay, Al Shabaab ayaa C/qaadir Faarax ku tilmaamtay Murtad dhaaquud ah iyadoona ku hanjabtay in ay dili doonto xildhibaanada iyo saraakiisha maamulka 'Puntland'

http://d.top4top.net/p_432mo9j31.jpg

http://e.top4top.net/p_432408tq2.jpg

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items