Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid iyo Mid Kamida Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo Ceelasha lagu Toogtay.

Thursday March 09, 2017 - 09:56:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid iyo Mid Kamida Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo Ceelasha lagu Toogtay.

    Sida tusbax go'ay oo kale ayay dilalka qorshaysan uga socdaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida tusbax go'ay oo kale ayay dilalka qorshaysan uga socdaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayay rag hubeysan isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid ku dileen mas’uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ladilay Xassan Maxamuud Taakoow oo ahaa guddoomiyaha waaxda Sahan ee degmada Yaaqshiid.

Raggii weerarka geystay ayaa si nabad gelya ah uga dhaqaaqay goobta sida ay sheegeen dadka deegaanka, dhinaca kale weerar ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay Mid kamida Ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.


Rag bastoolado ku hubeysan ayaa dilay Cabdullaahi Kabaweyne oo ahaa kamid ahaa Ergadii magaalada Cadaado kusoo xulay xildhibaanada Aqalka Hoose.

Dilalka ka dhanka ah Saraakiisha dowladda Federaalka iyo odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ayaa sedaxdii isbuuc ee lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada caasimadda ah iyo duleedkeeda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items