Al Shabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigyada Ciidanka Itoobiya Ee Magaalada Baardheere.

Thursday March 09, 2017 - 18:09:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigyada Ciidanka Itoobiya Ee Magaalada Baardheere.

    Saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa weerar xooggan kala kulmay ciidamada Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa weerar xooggan kala kulmay ciidamada Xarakada Al Shabaab.


Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan Al-Shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen fariisimo ciidamada gummeysiga Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baardheere ee wilaayada Islaamiga Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa socoday in muda ah, waxaana deryanka hubka labada dhinac laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baardheere.


Waxaa la aaminsanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere, 
Dagaalka ugu culus ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha Macmalka ah ee Baardheere halkaasi oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku jooga magaaladaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Jabhadda Wilaayada Islaamiga Gedo waxay weeraro ku qaadeen Garoonka magaalada Baardheere oo ah fariisin milliteri oo ciidamada Xabashidu ku suganyihiin

Related Items