Dhageyso: Radio Andalus oo Farac Cusub Ka Furtay Magaalada Xarardheere Ee Gobolka Mudug.

Friday March 10, 2017 - 09:52:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Radio Andalus oo Farac Cusub Ka Furtay Magaalada Xarardheere Ee Gobolka Mudug.

    Warbaahinta Islaamiga Andalus ayaa xoojisay adeegyada warbaahineed oo ay uheyso shacabka Soomaaliyeed xilli xaalad halis ah uu dalku marayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Islaamiga Andalus ayaa xoojisay adeegyada warbaahineed oo ay uheyso shacabka Soomaaliyeed xilli xaalad halis ah uu dalku marayo.

Magaalada Xararhdeere ee gobolka Mudug  ayaa shalay laga furay xarun kamid ah faracyada Idaacadda Andalus ee gobollada dalka ku kala firirsan.

Munaasabad ka dhacday gudaha Xarardheere ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan maamulka islaamiga ah,ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ayaa xariga looga jaray xarunta idaacadda Andalus.

Mas’uuliyiin katirsan xafiiska Warfaafinta Shabaabul Mujaahidiin oo hadlay ayaa sheegay in ay ka go’antahay ka haqabtiradda shacabka ee warbaahin islaami ah oo xaqiiqda wararka soo gudbisa.

 

Andalus ayaa baahisa warar iyo barnaamijyo dhaxalgal ah waana idaacadda kaliya ee Soomaaliya ku leh 8 xarumood waxay ka howlgashaa magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waa Markii ugu horraysay ee abid idaacad islaami ah laga furo magaalada Xardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Waaliga Mudug MP3
Halkan ka dhageyso Odayaasha dhaqanka Mudug MP3
Halkan ka dhageyso Kalimadda Culimada Mudug MP3

Related Items