Sawirro: 27 Sanadood Kadib Al Shabaab oo Dib u Howlgelisay Mashruucii FAANOOLE.

Saturday March 11, 2017 - 18:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: 27 Sanadood Kadib Al Shabaab oo Dib u Howlgelisay Mashruucii FAANOOLE.

    Markii ugu horraysay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa dayactir ballaaran lagu sameynayaa Masharuucii caan baxay ee Faanoole kaasi oo muhiimad gaar ah u leh dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa dayactir ballaaran lagu sameynayaa Masharuucii caan baxay ee Faanoole kaasi oo muhiimad gaar ah u leh dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.



Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gobolka Jubba dhexe ayaa xarigga looga jaray mashruuc dhaqaale malaayiin dollar ah ku baxayo oo dib loogusoo noolaynayo FAANOOLE.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla waaliga Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo xarigga ka jarayay dib u howlgelinta Mashruuca Faanoole ayaa sheegay in si xowlli ah ay uga shaqeysiinayaan mashruuca oo 27 sanadood laga joogo markii uu shaqada gabay.

 


Faanoole oo ah mashruuc ay furtay dowladdii siyaad Barre sanaddii 1983 ayaa ka bilaabanaya deegaanka Manaane oo qiyaastii 36 KM ujira magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Soomaalida ayaa ku hal qabsata "Faanoole Fari kama qodna” oo ay ku cabirayaan baaxadda uu leeyahay kanaalkan iyo mashruuciisa oo weynkiisa lala meel dhigay shaqo aan dhammaad laheyn.

Dowladdii Max’med Siyaad Barre ayaa mashruucan umadda uga faa’iideysay, beerihii Bariiska, kuwii qasabka ee Sokorta iyo adeeggii korontada biyaha laga dhaliyo oo markii ugu horraysay ay Soomaaliya tamarta biyaha wabiga u dhoofisay dibadda sida Kenya iyo Itoobiya.

Yuusuf Max’med Ibraahim oo kamid ah shaqaalihii mashruuca Faanoole xilligii dowladdii dhexe ayaa hadda nasiib uyeeshay in markale uu kamid noqdo shaqaalaha cusub ee dayactirka ku sameynayo Faanoole wuxuuna sheegay in hadda dhul cabirkiisu dhowr Kiilow mitir gaarayo laga qoday kanaalka ayna rajeynayaan in uu gaaro deegaanada Bandar salaama illaa Qalaaliyoow.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ganacsatada soomaaliyeed uu ufuranyahay in ay ka qeyb qaataan mashruucan oo ay maalgashi ku sameeyaan.

Beeralayda iyo xoola dhaqatada ayaa ka waraabi doona biyaha uu Kanaalka Faanoole kasoo qaadayo wabiga Jubba oo ah midka ugu biyaha badan labada wabi ee mara dalka soomaaliya.


Haddii Mashruuca Faanoole guuleysto wuxuu noqon doonaa waxqabad weyn oo ay umadda Soomaaliyeed uga mahad celinayso xarakada Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Halkan ka dhageyso Warbixin ku saabsan dib u howlgelinta Faanoole MP3

Hoos Ka Daawo Sawirada dayactirka Faanoole










 



 

Related Items