AMISOM "Ma Guuleysan Weeraradii Melleteri Ee Ka Dhanka Ahaa Al Shabaab" WARBIXIN.

Saturday March 11, 2017 - 18:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM "Ma Guuleysan Weeraradii Melleteri Ee Ka Dhanka Ahaa Al Shabaab" WARBIXIN.

    Hoggaanka guud ee ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay ayaa markii ugu horraysay qiray in uu fashilmay qorshihii ay dalka ugusoo duuleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka guud ee ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay ayaa markii ugu horraysay qiray in uu fashilmay qorshihii ay dalka ugusoo duuleen.


 

 


Caddeymo dhif iyo mar la arag ah oo uu jeediyay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ninka lag magacaabo Francisco Caetano Jose Madeira ayuu ku sheegay in toban sanadood kadib duullaankii AMISOM ee Soomaaliya aysan xaqiijin hadafkooda islamarkaana ay qirayaan in aan laga adkaan Xarakada Al Shabaab.

isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday deegaan dhaca duleedka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu si qota dheer u calaamadeeyay waxyaabaha dhiciseeyay duullaankooda Soomaaliya.



Wuxuu sheegay in AMISOM aysan ku guuleysan ujeedkoodii ay Soomaaliya ugusoo duuleen "weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab kuma guuleysan hadafyada laga leeyahay ee ah in uu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta” ayuu yiri Madeira.

Midowga Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee loo carbiyay la dagaalanka xarakada Al Shabaab aysan wax awood ah laheyn taasi bedelkeedna ay ilaalin ka sugayaan ciidamada AMISOM "Ciidamadeenu marna waxay la dagaallamayaan Al Shabaab mar kalane waxay ilaalinayaan madaxda dowladda Somalia, ciidamadii dowladda ee loogu talagalay in ay Shabaab la dagaallamaan annaga ayay ilaalo naga sugayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa soo hadal qaaday tabar darrida heysato maamullada dowlada Federaalka ee kajira magaalooyinkii cadawgu qabsaday halkaasi oo uusan kajirin maamul sal adag oo dadka soo jiidan kara.

Francisco Caetano Madeira ayaa Q.Midoobe ka codsaday in ciidamo dheeri ah ay usoo dirto dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan hoggaanka cusub ee dhawaan loo doortay dowladda Federaalka isagoona ka dardaar wariyay mustabalka ciidankooda Soomaaliya jooga.

AMISOM waxay si cad u sheegtay in ciidamadoodu aysan sii wadi Karin duullaanka Soomaaliya iyadoona dowladda Federaalka ugu baaqday in ay dhisto ciidan awood leh oo la wareega ammaanka magaalooyinka ay isaga bixi doonaan ciidamada shisheeye.

"Waxaa la joogaa waqtigii aan caddeyn lahayn in AMISOM aysan weligood joogi doonin Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Mandeira.

Max’med Cabdullahi Farmaajo hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu kusii tiirsanaan doono ciidamada shisheeye inta ay ka dhisanayaan ciidan tayo leh isagoo aan sheegin waqtiga kama dambeysta ah oo ay ciidan dhisayaan.

Weeraro xoog ku gal ah oo ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayay ku burburiyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM waxaana weeraradaasi ugu caansanaa Kulbiyoow, Ceel-Cadde,Leego Janaale iyo Halgan waxaana weeraradaasi lagu dilay boqolaal askari.


 

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items