Saldhig Ay Ciidanka Dowladda Federaalka ku lahaayeen Deegaanka Jaziira oo lala Wareegay iyo dagaal Ka dhacay Shalaambood.

Saturday March 11, 2017 - 18:44:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhig Ay Ciidanka Dowladda Federaalka ku lahaayeen Deegaanka Jaziira oo lala Wareegay iyo dagaal Ka dhacay Shalaambood.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaano ay saldhigyo melleteri ku leeyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Maleeshiyaadka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaano ay saldhigyo melleteri ku leeyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Maleeshiyaadka DF-ka.




Dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Xarakada Al Shabaab weeraro gaadma ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Shalaambood ee duleedka magaalada Marka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, Wariye Faysal Mahad oo ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in laba gaari oo ay lahaayeen ciidamada shisheeye lagu gubay dagaalka Shalaambood.



Dhinaca kale ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar xooggan kula jarmaaday deegaanka Jaziira ee duleedka Koonfureed magaalada Muqdisho.

Dagaal saacado badan socday kadib ayay ciidamada Al Shabaab usuurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta mid kamida saldhigyada waaweyn ee ciidanka DF-ka ku lahaayeen deegaanka Jaziira.

Goob Joogayaal ku sugan Jaziira waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta hub culus oo labada dhinacay is dhaafsanayeen.

Deegaanka Jaziira oo kala qeybiyay gobollada Sh/Hoose iyo Banaadir ayaa sanadadii lasoo dhaafay waxaa ku yiillay saldhigyo ay dowlado shisheeye ku tababareen kumanaan askari oo katirsan ciidanka DF-ka.

Related Items