Maamul
islaami ah oo taabacsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bilaabay
Olole gurmad ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku saamoobay
abaaraha dalka kajira.
Gurmad Biya dhaamin ah ayay wilaayada Islaamiga Mudug ka fulisay deegaano hoos taga degmooyinka Xarardheere iyo Jowllo.
Sheekh
Abuu Cadnaan oo ah waaliga Mudug ayaa sheegay in ay gurmad biya dhaamin
ah gaarsiiyeen illaa iyo 30 Tuulo oo katirsan gobolka Mudug isagoona
ballan qaaday in ay sii ballaarin doonaan howllaha gurmadka abaaraha.
Deegeenada
ugu daran ee abaaruhu ka jiraan oo ay wilaayada Islaamiga Mudug biya
dhaaminta ka fulisay waxaa kamid ah Ris, Dabagalo iyo dhalwo oo
dhammaantood katirsan gobolka mudug.
Halkan ka dhageyso Waaliga Mudug oo ka hadlaya Gurmadka Biya Dhaaminta MP3
Sawirro+Codad: Maamulka Islaamiga Mudug oo Gurmad Biya Dhaamin Ah u Fidiyay Dad Ku Tabaaloobay Abaaraha.
Gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya wuxuu kamid ah meelaha ay kajiraan abaaraha saameeyay dadka iyo duunyada.