Guri uu Degmada Wardhiigleey Ka Deganyahay Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda oo Qarax Lagu Weeraray.

Monday March 13, 2017 - 10:12:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guri uu Degmada Wardhiigleey Ka Deganyahay Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda oo Qarax Lagu Weeraray.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu degmada Wardhiigleey ka deganyahay Axmed Shire oo ah Agaasimaha wasaaradda maaliyadda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii ay maqleen jugta qarax xooggan oo lagu weeraray guriga mas’uulka, illaa 2 askari oo katirsanaa ilaalada Agaasimaha la weeraray ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Dhinaca kale gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa saaka ku qarxay agaagaarka dhismaha warshaddii nacnaca degmada Wadajir waxaana la sheegay in qaraxaasi uu sababay khasaara u badan dhaawacyo balse faah faahin dheeri ah lagama helin cidda qaraxa lala beegsaday.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items