Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Kasoo Horjeedka Hoteel Wehliye iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Monday March 13, 2017 - 10:35:00 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhaliyay oo Ka Dhacay Kasoo Horjeedka Hoteel Wehliye iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 10 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib qarax xooggan oo lala beegsaday afaafka hore ee Hoteelka Wehliye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 10 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib qarax xooggan oo lala beegsaday afaafka hore ee Hoteelka Wehliye.


Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lala helay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan DF-ka sida ay sheegeen dad ku sugan wadada Makka Al-mukarramah.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in saraakiil katirsan melleteriga iyo sirdoonka Dowladda Federaalka ay kamid yihiin dadka ku dhintay qaraxa Hoteel Wehliye.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxii ka dhacay agagaarka Hoteelka wehliye sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


"Ku dhawaad 20 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil Ashahaada la dirir ah iyo xubno ka tirsan murtadiinta ayaa lagu dilay qaraxa, Iyadoona tiro kale ay halkaas ku dhaawacmeen" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab

Faah Faahinta dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha’allaah


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items