Akhriso: Magacyada Saraakiil Sirdoon iyo Xildhibaano Horay Uga Tirsanaa Baarlamaanka DF-ka oo lagu Dilay Qaraxii Hoteel Wehliye.

Monday March 13, 2017 - 15:34:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Magacyada Saraakiil Sirdoon iyo Xildhibaano Horay Uga Tirsanaa Baarlamaanka DF-ka oo lagu Dilay Qaraxii Hoteel Wehliye.

    Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixisay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday Hoteelka Wehliye ee bartamaha magaalada Caasimadad ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixisay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday Hoteelka Wehliye ee bartamaha magaalada Caasimadad ah ee Muqdisho.



Warbaahinta rasmiga ah ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in saraakiil ciidan iyo xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaanka DF-ka lagu dilay qaraxii maanta.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu beegsaday meel ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha DF-ka Soomaaliya oo ku taalla ka soo horjeedka Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.



Ugu yaraan 30 ruux oo ay ku jiraan saraakiil sarsare ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay qaraxaas, sidoo kalena lagu dhaawacay ugu yaraan 40 kale.

Saraakiisha ku dhintay qaraxan waxaa ka mid ah:-

1-Jenraal ka tirsan hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ‘Nabad sugidda’ oo lagu magacaabo Maxamed C/Raxmaan.

2-Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha Ashahaada la dirirka ee Sirdoonka ah.

3-Nin kale oo lagu magacaabo Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada military-ga dowladda Federaalka.

4- Nin magaciisa lagu soo koobay Nuur Kuuloow oo ka mid ah shaqaalaha Golaha baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaawac halis ah ku noqday qaraxaas.

Xildhibaano Hore oo lagu dilay Qaraxii Hoteel Wehliye

Ex-Xildhibaan Xasan Cumar ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa.

Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ahaa dadka lagu dilay Qaraxa.

Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Leesto oo sidoo kale ah Sarkaal ka tirsan Sirdoonka cadowga ayaa isna dhaawac halis ah ku noqday qaraxa.

Cabdullaahi leesto ayaa ah nin ay in muddo ah doon-doonayeen Ciidamada Xarakada Shabaabul kuna lug lahaa duqeyntii lagu dilay Sheekh Sahal Camow oo horaantii sanadkii 2014-ka diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen Sh/hoose ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxii Hoteel Wehliye.

Leesto ayaa xiriir dhow lalahaa sirdoonada caalamiga ah ee wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo farabadan oo ilaala u ahaa saraakiisha ladilay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxii maanta oo kamid noqonaya qaraxyadii ugu weynaa ee ka dhaca wadada Makka Al Mukaramah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items