Ku dhawaad 100 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay Shil ka dhacay Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

Monday March 13, 2017 - 10:38:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaad 100 qof Itoobiyaan ah oo ku dhintay Shil ka dhacay Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

    Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay wadanka Itoobiya kadib markii ay dhaceen wax u eg duufaan dhul go'ah sida ay sheegeen saraakiisha dowladda hoose ee magaalada Addis Ababa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay wadanka Itoobiya kadib markii ay dhaceen wax u eg duufaan dhul go'ah sida ay sheegeen saraakiisha dowladda hoose ee magaalada Addis Ababa.




Wararka ka imaanaya caasimadda Itoobiya ayaa sheegaya in in lala’yahay in kabadan 70 ruux waxaana loo badinayaa in ay ku hoos xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Goob joogayaal ka badbaaday musiibadan ayaa sheegay in burbur dhul go’ ah uu ka dhacay mandiqadda Koosh oo ah meesha lagu qubo qashinka iyo wasakhda ay caanka ku tahay magaalada Addis Ababa.

Wasiirka arrimaha gudaha Itoobiya ayaa xaqiijiyay dhimashada 50 qof isagoona saadaaliyay in dhimashadu ay gaari karto 100 qof sababa la xiriira dad badan oo burburkiisa hoostiisa ku xaniban.



Muuse Suleymaan Cabdullaahi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay maqleen jug weyn oo lamoodo qarax kadibna waxay arkeen duufaan dhul go’go ah wuxuuna wixii dhacay ku sifeeyay musiibo halaag badan dhalisay.

Afhayeenad u hadashay dowladda Hoose ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegtay in ay guul darraysteen dadaallo loogu gurman lahaa dadka ku hoos xanibay buuraha qashinka hoostiisa kadib markii uu dhulku la go’ay iyadoona shaqaalaha gurmadka ay u suurtageli waysay in ay gudaha ugalaan goobta dhibaatadu ka dhacday.

Malaayiin qof Itoobiyaan ah oo faqrigu daashaday ayaa nolol maalmeed ka raadsaday mandiqadda Koosh ee lagu qubo qashinka magaalada Addis Ababa.

Muddo 50 sanadood ah ayaa la sheegay in qashin qubnkan uu ahaa isha kaliya oo ay quutaan dadka faqriga ah kuwaasi oo haraadiga cuntada iyo dharka kasoo saarta nolol maalmeed.

Itoobiya waxay kamid tahay wadamada ugu faqrisan caalamka, inkabadan 5000 oo qof ayaa sanad walba abaaro iyo gaajo ugu dhinta gudaha wadanka Itoobiya sida ay sheegeen hay’adaha Q.Midoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items