Haweeney Markii Ugu Horraysay Duq Magaalo ka Noqotay Wadanka Jabuuti.

Monday March 13, 2017 - 19:40:00 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Markii Ugu Horraysay Duq Magaalo ka Noqotay Wadanka Jabuuti.

    Xisbiga talada haya ee wadanka Jabuuti ayaa markii ugu horraysay qof haween ah u doortay in ay guddoomiye ka noqoto magaalada ugu weyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga talada haya ee wadanka Jabuuti ayaa markii ugu horraysay qof haween ah u doortay in ay guddoomiye ka noqoto magaalada ugu weyn wadankaasi.



Faadumo Cawaale Cusmaan ayaa noqotay guddoomiyaha magaalada Djibouti, duqii hore ee magaalada caasimadda ah ayaa xilka ku wareejiyay haweenaydan oo muddo sanada ah ka tirsaneed xisbiga uu madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Gelle.


Axzaabta mucaaradka ayaa cambaareeyay tallaabadan waxayna sheegeen in xisbiga talada haaya uu kala jabiyay qaar kamid ah axsaabta mucaaradka oo qaarkood ugalay xisbiga talada haaya islamarkaana uu xilal cusub u dhiibay.



Faadumo Cawaale Cusmaan ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horraysay oo taariikhda xil sare ka qabata xukuumadda Dabadhilifka Jabuuti oo ucaynsan Faransiiska iyo Mareykanka.

Maamulka kaligii taliska Ismaaciil Cumar ayaa laba jeer ku shubtay doorashooyinkii madaxtinimo ee wadankaasi ka dhacay iyadoona kooxaha mucaaradka ah ay qaadaceen ku shubashadaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items