Weerar Qorshaysan oo Lagu Qaaday Saldhigyo kuyaal Degmada Afgooye.

Tuesday March 14, 2017 - 10:13:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Qorshaysan oo Lagu Qaaday Saldhigyo kuyaal Degmada Afgooye.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday xaafado katirsan magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday xaafado katirsan magaalada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.



Wararka ka imaanaya Afgooye waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen saldhigyo ay maleeshiyaadka DF-ka uga sugnaayeen gudaha degmada gaar ahaan agagaarka Buundada weyn.

Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa baahisay in Afgooye uu ka dhacay howlgal qorshaysan oo sidii larabay kusoo idlaaday.

Dhinaca kale maamulka dowladda Federaalka uqaabilsan degmada Afgooye ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay qafaasheen wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cabdullaahi Cabdi Axmed.



Ma ahan markii ugu horraysay oo ay dagaallo ka dhacaan degmada Afgooye oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items