Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka Ee Koofur Galbeed oo Bakaaraha lagu Dilay.

Tuesday March 14, 2017 - 16:40:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Odayaashii Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka Ee Koofur Galbeed oo Bakaaraha lagu Dilay.

    Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha sirdoonka dowladda Federaalka iyo odayaal dhaqameedyadii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa si xowlli ah uga socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha sirdoonka dowladda Federaalka iyo odayaal dhaqameedyadii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.



Isbuucii lasoo dhaafay ayaa ugu yaraan 4 oday dhaqameed lagu dilay degmooyin katirsan gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Maanta duhurkii ayay xoogag hubeysan suuqa Bakaaraha ku dileen mid kamida 153-kii odayaal dhaqameed ee soo xulay xubnaha Baarlamaanka DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen Nabadoon Ibraahim Cali Cilmi oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay shirarkii xildhibaanada loogasoo xulayay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka shariif Sakiin ee isku magacaabay ‘Koofur galbeed’.



Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka daarta Cali Dheere iyadoona xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, ciidamo katirsan booliska Dowladda Federaalka ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay waxayna qaadeen Meydka Ibraahim Cali.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa horay ugu hanjabay in ay dili doonaan dhammaan odayaashii ka qeyb qaatay soo xulista xildhibaanada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items