Taxriiru Shaam oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weeraro Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.

Tuesday March 14, 2017 - 16:53:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxriiru Shaam oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weeraro Ka Dhacay Magaalada Dimishiq.

    Hay'adda Taxriiru Shaam ayaa sheegatay Mas'uuliyadda camaliyaad istish-haadi ah oo dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Dimishiq Ee wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Taxriiru Shaam ayaa sheegatay Mas'uuliyadda camaliyaad istish-haadi ah oo dhawaan ka dhacay bartamaha magaalada Dimishiq Ee wadanka Suuriya.



War rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda Xureynta Shaam ee ka dagaallanta wadanka Suuriya ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weeraro khasaara badan dhaliyay oo maalmo ka dhacay magaalada Dimishiq.

Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta Hay’adda Xureynta Shaam ayaa lagu sheegay in camaliyaad istish-haadi ah oo ay fuliyeen laba dagaalyahan oo mujaahidiin ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tobanaan katirsan maleeshiyaadka xukuumadda Nuseyriga Bashaar Al-asad.



Mujaahidiinta Xureynta Shaam waxay bayaankooda ku sheegeen in weerarka ay la bartilmaameedsadeen isku imaatino ay bartamaha magaalada Dimishiq uga sugnaayeen maleeshiyaadka shiicada ee taageerada siiya nidaamka Suuriya .

"kadib ukuur gelid iyo lasocosho dheer oo ay sameeyeen guutooyinka mujaahidiinta ee cadawga gadaashiisa ka shaqeeya ayay usuurtagashay walaalaha kala ah Abuu Caa’ishah iyo Abuu Cumar oo labaduba ansaar ah in ay camaliyad ka fuliyaan bartanka cadawga magaalada dimishiq” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hay’adda Taxriiru shaam waxay bayaankeeda ku sheegtay in labada camaliyadood lagu laayay maleeshiyaad shiico calooshood u shaqeystayaal ah oo iiraan ay soo gelisay suuriya.

Weerarkan ay mas’uuliyadiisa sheegteen mujaahidiinta ayaa sabtigii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada dimishiq waxaana lala helay gaadiid basas ah oo ay la socdeen kooxo rawaafid shiica ah oo ujeedkoodu ahaa in ay booqdaan qabuuro kuyaal magaalada dimishiq oo ay barakaysteen shiicada.

sidoo kale nidaamka bashaar ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo katirsan ciidankiisa uu ku waayay weerarka kuwaasi oo qeyb ka ahaa kooxaha mushrikiinta ee macbadka shirkiga ah u socday.

dagaalka ka socda wadanka suuriya waxaa kaalin weyn ku leh calooshood u shaqeystayaal maleeshiyaad mushrikiin ah oo xukuumadda shiicada iiraan ay caalamka isagasoo kala aruurisay.

Ugu dambeyntii hay’adda taxriiru shaam ayaa ku hanjabtay in ay sii wadi doonto beegsiga ay ku hayso maleeshiyaadka shiicada jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku qaaday muslimiinta sunniga ah.

Related Items