Rag Xatooyo Geystay oo Xukun Gacan Goyn Ah lagula Fuliyay Deegaanka Daarusalaam Ee Sh/Hoose.

Wednesday March 15, 2017 - 09:01:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Rag Xatooyo Geystay oo Xukun Gacan Goyn Ah lagula Fuliyay Deegaanka Daarusalaam Ee Sh/Hoose.

    Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Wilaayada Islaamiga ee shabeelaha hoose ayaa shalay galabta xukun Xaddu Sariqa ah ku fulisay laba wiil oo dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ka geystay mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmooyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Wilaayada Islaamiga ee shabeelaha hoose ayaa shalay galabta xukun Xaddu Sariqa ah ku fulisay laba wiil oo dhalinyaro ah oo fal tuuganimo ah ka geystay mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ku yaalla degmooyin katirsan Sh/hoose, iyadoona boqolaal dadweyne ah ay isugu soo baxeen fagaarihii xukunka lagu fulinayey.



Xukunkan ayaa lagu fuliyay Cabdi Cali  Maxamed oo 25 sana jir ah iyo Max'med Xassan Cumar 20 sana jir ah oo ay ku cadaatay dacwad lagusoo oogay oo ku saabsaneyd in fal xatooyo ah ay kula kaceen hanti ay leeyihiin dad muslimiin ah.

Qaadiga Maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay dacwadda lagusoo oogay labada nin ee ku kacay falka xatooyada ah, waxaana qaadiga uu sheegay in labaduba ay qirteen dacwada lagusoo oogay.


"Maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada lagu soo oogay eedeysaneyaasha iyo jawaabihii ay bixiyeen oo ahayd mid qiraal ah, waxay maxkamaddu u bandhigtay shareecada islaamka, wuxuu noqday Xadu Sariqah, waxay soo saartay xukunka soo socda:- Cabdi Cali Maxamed waxaa laga goynayaa lugta bidix kadib markii horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max'med Xasan Cumar laga goynayo gacanta bidix" ayuu yiri qaadiga maxkamadda oo fagaaraha ka akhrinayey xukunka.

Markii xukunka la fuliyay waxaa goobta isqabsaday takbiirta iyo sawaxanka boqolaal dadweyne ah oo isugusoo baxay fagaarihii lagu fulinayey xukunka.


Max'med Xasan Cumar oo kamid ahaa dhalinyaradii shalay xukunka gacan goynta ah lagu fuliyay ayaa mooro xoolaad oo  kutaal duleedka degmada Janaale ka xaday neef dibi sedax sana jir ah sidaasna waxaa ku buuxsamay nisaabkii gacan goynta sharciga ah, deegaanka xukunkan gacan goynta ah uu ka dhacay ee Daarusalaam ayay dadku soo dhaweeyeen xukunkan  si amniga iyo kala dambeynta lagu helay shareecada islaamka uu usii jiro.

Halkan ka dhageyso Qaadiga oo xukunka akhrinaya MP3


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items