Sawirro: Hormuud Foundation oo Gargaar Baaxad leh Gaarsiisay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Dhaqan Duleedka Muqdisho.

Wednesday March 15, 2017 - 17:32:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Hormuud Foundation oo Gargaar Baaxad leh Gaarsiisay Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Dhaqan Duleedka Muqdisho.

    Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda gargaarka Bulshada ee Hormuud Foundation ayaa raashiin gargaar ah ugu deeqday boqolaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka kuwaasoo haatan degan xero looga sameeyey duleedyada magaalada Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda gargaarka Bulshada ee Hormuud Foundation ayaa raashiin gargaar ah ugu deeqday boqolaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka kuwaasoo haatan degan xero looga sameeyey duleedyada magaalada Muqdisho.


Guddoomiyaha heyadda Hormuud Foundation Mr. Cabdullaahi Osman Nuur ayaa gaadiid ay ku raran yihiin qeybaha kala duwan ee raashinka daruuriga ah ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xakuumada Somalia.

Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa sheegay in deeqdan ay shirkaddu ugu talo gashay barakacayaasha ku sugan gobolka Banaadir ee ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobolada dalka ayna ka kooban tahay 6 Container oo Timir ah, taasoo ka kooban 90,000 Kg (Sagaashan kun oo kiilo) 600 kiish oo bariis ah (Lix boqol kiish oo bariis ah) IYO 2,700 Litr oo Saliid ah.


Gudoomiyaha Hormuud Foundation ayaa faahfaahiyey ujeedada Shirka iyo agabka ay bixisay wuxuuna intaa ku darey inay shirkaddu ay ka howlgasho 11 gobol oo ka mid ah gobolada ay abaaruhu sameeyeen ayna ka qeybisay gargaar kala duwan.

"Sida aad la wada socotaan Hormuud waxay gargaar gaarsiisey, 10 Gobol oo aanu ku jirin gobolkan Banaadir, waxaan ay gargaarka ka qeybisey 42 xarumod oo ay shirkadu ku leedahay 10 gobolka ee aan soo sheegey, waxaana gaarsiiney, cunto, biyo iyo dawooyinā€¯ ayuu yiri C/llaahi.
Shirkadda Hormuud ayaa dhowaaan ku dhawaaqday iney gargaar gaaraya $600,000 oo dollar ugu deeqday dadka abaaruhu ku saameyeen gobolada dalka, iyagoo illaa hadda gargaar isugu jira raashiin qeybin iyo biyo dhaamin ka wada degaanada fog ee abaaraha laga soo sheegayo.



Related Items