Sarkaal Itoobiyaan Ah oo isku Daldalay Degmada Garbahaarey.

Thursday March 16, 2017 - 10:20:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Itoobiyaan Ah oo isku Daldalay Degmada Garbahaarey.

    Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa naftiisa gooyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa naftiisa gooyay.



Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan saraakiisha Itoobiyaanka ee horkacayo ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga gobalkaasi uu isku dal dalay qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Sarkaalkan ayaa isku dilay gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababta keentay in uu isdilo sarkaalkan Itoobiyaanka ah.



Warar hoose ayaa sheegaya in sarkaalkan is toogtay kadib markii taliyaha isaga ka sareeya uu ka diiday codsi uu u geystay kaasi oo ah in la siiyo fasax uu ku booqdo waalidiintiisa ku sugan gudaha dalka Itoobiya.

Meydka sarkaalkan Itoobayaanka waxaa ka qaaday degmada Garbahaarey diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah taasi oo geysay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Ma ahan markii ugu horeysay uu is dal dalo sarkaal ama askari Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah kumanaanka Itoobiyaanka ahee  kusoo duulay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items