Gobollada Jubbooyinka oo laga Tukaday Salaadda Roob doonka.

Thursday March 16, 2017 - 16:55:52 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gobollada Jubbooyinka oo laga Tukaday Salaadda Roob doonka.

    Inta badan magaalooyinka iyo deegaanada dhaca gobollada Jubbooyinka ayaa maanta laga roob doonay xilli abaaro daran ay ka jiraan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan magaalooyinka iyo deegaanada dhaca gobollada Jubbooyinka ayaa maanta laga roob doonay xilli abaaro daran ay ka jiraan dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya magaalooyinka Jilib,Bu’aale,Salagle iyo Jamaame ayaa sheegaya in halkaasi lagu tukaday salaado roob doon ah.

Culimaa’udiin katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka iyo mas’uuliyiin ayaa fagaarayaasha salaadda roob doonka lagu tukaday ka Jeediyay muxaadarooyin dadka muslimiinta loogu baaqayo alle bari iyo towbad keen si alle raxmaddiisa ugu hoorto dhulalka abaartu kajirto.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla waalliga Jubbooyinka oo muslimiinta kula hadlay magaalada Jilib ayaa ugu baaqay dadka hantida leh in ay kaalmeeyaan dadka faqriga ah ee abaaruhu saameeyeen.



Salaadda Roob doonka ah ee laga tukaday gobollada Jubbooyinka ayaa imaanaysa xilli gurmad xooggan oo loo fidinayo dadka taabalaysan ay ka socdaan wilaayaatka islaamiga ah ee sharciga islaamka lagu maamulo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items