R/Wasaare Kheyre oo Taliska AMISOM Ka Codsaday Wadashaqeyn dhan Walba Ah.

Thursday March 16, 2017 - 18:44:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Kheyre oo Taliska AMISOM Ka Codsaday Wadashaqeyn dhan Walba Ah.

    Maalmo yar ka hor inta uusan ku dhawaaqin golihiisa cusub ee wasiirada ayuu Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka wuxuu kulamo la yeeshay hoggaanka ciidamada soo duulayaasha AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo yar ka hor inta uusan ku dhawaaqin golihiisa cusub ee wasiirada ayuu Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha dowladda Federaalka wuxuu kulamo la yeeshay hoggaanka ciidamada soo duulayaasha AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Kheyre ayaa booqasho ku tagay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin dalka Soomaaliya.

Wuxuu kulamo la qaatay Erygayga Midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya Francisco Madeir iyo Col.Subagle oo ah taliyaha guud ee ciidamada AMISOM.

Kheyre wuxuu ka codsaday AMISOM in ay xukuumaddiisa ka taageeraan la dagaallanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana sare loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya AMISOM iyo DF-ka.


"R/wasaaraha booqashadiisa Xalane waxay aheyd mid sare loogu qaadayay iskaashiga AMISOM iyo Dowladda Federaalka, kulamadii dhacay waxay kusoo dhammaadeen is afgarad” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Kheyre.



 Ilo wareedyo ayaa sheegaya in waxa loogu yeero beesha caalamka ee deggan Xalane ay Xasan Kheyre ugudbiyeen liis magacyo ah oo ay doonayaan in lagusoo daro xukuumadda cusub ee lafilayo in maalmaha soo socda lasoo dhiso.

Farmaajo iyo R/wasaarihiisa ayaa khudbado ay horay ujeediyeen waxay ku sheegeen in muhiimadda koobaad ay siinayaan ku tiirsanaashiyaha ciidamada shisheeye!.

Falanqeeyayaasha waxay sheegayaan in ay yaraatay rajadii laga qabay maamulka Farmaajo ee ahaa in uu dalka ka saarayo ciidamada shisheeye islamarkaana uu dhisayo ciidamo Soomaali awood leh taasi bedelkeedna waxaa muuqata in xukuumadani ay cagta saartay wadadii ay mareen xukuumadihii dabadhilifka ahaa ee iyada ka horreeyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]


Related Items