Diyaarado Hub Sida oo Ka Degay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, Itoobiya oo Hubeynaysa Maamul Goboleedyada WARBIXIN.

Thursday March 16, 2017 - 18:49:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Diyaarado Hub Sida oo Ka Degay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, Itoobiya oo Hubeynaysa Maamul Goboleedyada WARBIXIN.

    Dowladda Itoobiya ayaa si aan horay loo arag saanado hub ah ugusoo guraysa gobollada dalka Soomaaliya oo ay kajiraan maamullada itoobiya la shaqeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa si aan horay loo arag saanado hub ah ugusoo guraysa gobollada dalka Soomaaliya oo ay kajiraan maamullada itoobiya la shaqeeya.



Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa taliska melleteriga Xabashida ee Soomaaliya ku sugan ku amartay in ay hubeeyeen sedax maamul goboleed oo kajira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Diyaarado saanado melleteri sida ayaa ka degay garoomo diyaaradeed oo kuyaal magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee dalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka Axmed Madoobe uu helay laba diyaaradood oo ay ku raraanyihiin hubka nuucyadiisa kala duwan iyo rasaas.



Hubka oo isniintii lasoo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayay ciidamada Itoobiya ku daabuleen gaadiid qafilan kadibna waxay ku wareejiyeen saraakiil katirsan maamulka ‘Jubbaland’ ooo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Sidoo kale diyaarado hub siday ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha maclmalka degmada Baydhabo ee gobolka Baay waxaana hubkaas loo gacan geliyay saraakiisha maamulka Shariif Sakiin.

Hubka Itoobiya ay siisay maamulka ‘Koonfur Galbeed’ ayaa la sheegay in uu ka badanyahay hubka lasiiyay Axmed Madoobe, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamo Soomaali ah oo ku sugan degmooyinka Xudur iyo Bardaale ay Itoobiya ku wareejisay rasaas iyo qoryo gacmeedyo aad u farabadan.

Dhanka gobollada dhexe saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan degmada Balanballe ee gobolka Galguduud ayaa maleeshiyaadka kooxda Suufida ee Ahlusunna sheegata waxay wareejisay saanado melleteri.

Hubka oo gaadiid shareecan loogasoo daabulay degmada Balanballe waxaa lageeyay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay ka arrimiyaan kooxaha mushrikiinta ah.

Warar kale oo lagasoo xigtay dad ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Buurta Janta kuundisho duleedka Magaalada Beled Weyne ay rasaas iyo qoryo gacmeedyo aan badneyn ku wareejiyeen maamulka isku magacaabay Hirshabeelle.

Hubkan ay Itoobiya soo gelisay Soomaaliya ayaa laga leeyahay laba hadaf 1-Itoobiya waxay doonaysaa in ay daciifiso awoodda DF-ka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxayna ku amartay maamul goboleedyada in loolan dhanka awoodda ah lagalaan kooxda Villa Somalia.

2-Itoobiya waxay doonaysaa in marka ay ciidamadeedu ka baxaan Soomaaliya ay maleeshiyaadka maamul goboleedyada ay ka dhigato carra tuur ay ku ilaashato xuduud beenaadka iyadoo ka cabsi qabta awoodda Xarakada Al Shabaab.

Itoobiya oo isku diyaarinayso in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in ay hubeyso maamul goboleedyada waxaana dhici karta in hubkaan uu gacmaha ugalo maleeshiyo beeleedyo.

Waxgaradka Soomaaliyeed waxay sheegayaan in hubkaan Itoobiya bixisay ay dagaal oogayaashu ku kicin karaan dagaallo ahli ah.

http://e.top4top.net/p_44069s571.jpg
Cali Cabdullaahi Cosoble hoggaamiyaha maamulka ‘HirShabelle’ ayaa laba isbuuc ka hor sheegay in Itoobiya ay si aan horay loo arag u hubeynayso maamul goboleedyada iyadoo aysan ka war heyn dowladda Federaalka.

Warar aan lagu kalsoonaan Karin waxay sheegayaan in Itoobiyaanku dhaq dhaqaaqyo dib ugurasho ay ka wadaan deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Khubarada Melleteriga ayaa aaminsan iyo melleteriga itoobiya lagu dhiig bixiyay dagaallo waqti dheer qaatay oo uu lagalay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sanaddii 2016 ayaa ciidanka Itoobiya laga xureeyay magaalooyin waaweyn oo katirsan gobollada Hiiraan, Galguduud, Bakool iyo sh/dhexe waxaana magaalooyinkaasi kamid ah Tayeegloow,Galcad Halgan iyo Moqakori.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo. Muqdisho
[email protected]

Related Items