Booliska Uganda oo Bandaw Kusoo Rogay Xaafado Katirsan Magaalada Kampala.

Saturday March 18, 2017 - 07:40:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Uganda oo Bandaw Kusoo Rogay Xaafado Katirsan Magaalada Kampala.

    Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka booliska ee sida Melleteriga u tababaran ayaa lagusoo daadiyay xaafadaha isku raranka ah ee magaalada Kampala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka afhayeenka Uganda oo Kampala lagu dilay
Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka booliska ee sida Melleteriga u tababaran ayaa lagusoo daadiyay xaafadaha isku raranka ah ee magaalada Kampala.

Warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah lagu biiriyay howlgalka xooggan ee loogu jiro soo qabashada kooxihii shalay dilay afhayeenkii booliska iyo laba qof oo la socday.

Meydka Andrew Felix ayaa la dhigay akaadeemiyada Booliska Uganda halkaas oo ay tageen taliyaasha booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Dowladda Uganda waxay sheegtay in ay gacanta kusoo dhigi doonto kooxihii dilay afhayeenkii booliska iyo laba qof oo kala ahaa askari ilaala u ahaa iyo darawalkiisa khaaska ah.


Goobta dilku ka dhacay ayaa caan ku ah falal dambiyeedyada ah waxaana dhowr mar lagu dilay hoggaamiyaal katirsan muslimiinta wadankaasi ee laga tirada badanyahay.

Warbaahinta maxalliga Uganda waxay sheegaysaa in dilkan ay ku lug lahaan karaan kooxo mucaarad ah oo dagaal kula jira xukuumadda dabadhilifka Uganda.

lama oga in dilkan uu raad ku leeyahay duullaanka ay ciidamada Uganda kusoo qaadeen dalka Soomaaliya halkaas oo ay kula dagaallamayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items