Boris Johnson "Britain Waa Ka Fiirsanaysaa Dhaqaalaha Ay Siiso Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya".

Saturday March 18, 2017 - 07:40:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boris Johnson "Britain Waa Ka Fiirsanaysaa Dhaqaalaha Ay Siiso Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya".

    War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in London ay ka fiirsanayso dhaqaalaha ay ku bixiso duullaanka melleteri ee lagu qaaday dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in London ay ka fiirsanayso dhaqaalaha ay ku bixiso duullaanka melleteri ee lagu qaaday dalka Soomaaliya.

Boris Johnson oo ah wasiirka arrimaha dibadda Britain ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka sheegay in dowladdiisu aysan awoodin sii wadidda dhaqaalaha ay siiso ciidamada AMISOM ee dagaalka uga jira dalka Soomaaliya.

"Britain waa ka fiirsanaysaa dhaqaalaha ay ku taageerto howlgalka Nabad ilaalinta Somaliaā€¯ sidaas waxaa yiri Boris Johnson oo kulan gaar ah laqaatay madaxweynaha Uganda.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka sheeganaysa hoos udhac dhanka dhaqaalaha ah  tan iyo markii ay isaga baxday Ururka Midowga Yurub.


Shir Bisha May,2017 ka dhici doonto magaalada London oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Ururka Midowga Afrika uu soo bandhigo caqabadaha dhanka dhaqaalaha ah ee ka heysta duullaanka Soomaaliya.

Madaxa AMISOM ayaa dhowaan sheegay in sanadda 2018 horraanteeda ay bilaabi doonaan in ciidamadooda ay kala baxaan dalka Soomaaliya isagoo ka cawday dhaqaale darro.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items