Waddooyinka Muqdisho oo loo Xiray Socdaalka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Saturday March 18, 2017 - 09:50:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka Muqdisho oo loo Xiray Socdaalka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

    Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkayaa wadada laamiga ah ee xiriirisa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo isgoyska KM4.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkayaa wadada laamiga ah ee xiriirisa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo isgoyska KM4.

Sidoo kale ciidamo farabadan oo katirsan melleteriga iyo booliska dowladda Federaalka ayaa isku gedaamay waddooyinka Makka Al-mukarama iyo wadnaha waxayna gaadiidka dadweynaha u diidayaan in ay isticmaalaan laamiga.

Kumanaan katirsan ardayda wax kabarata iskuullada iyo jaamacadaha gobolka Banaadir ayaa ku xayiran guryahooda, warar soo baxaya waxay sheegayaan in waddooyinka loo xiray wafi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika kaasi oo Villa Somalia kula kulmi doono Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre.


Maamulka cusub ee Farmaajo ayaa qaaday dhabihii xukuumadda Xasan Gurguurte oo waddooyinka xiri jirtay marka ay caasimadda imaanayaan madax ka socota dowladaha shisheeye.

Waxaa beenoobay balanqaadkii Farmaajo xilligii doorashada ee ahaa in aan shacabka Muqdisho loo kadeedi doonin imaashiyaha mas’uul shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items