Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay weerar ku qaadeen deegaan 40 KM dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu karaantiilo dadka uu soo rito cudurka shubanka.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka xarunta caafimaadka Tuulada (hagarka) ayaa
weerar hubeysan kala kulantay ciidamada dowladda Federaalka oo ka amba baxay
magaalada Baydhabo.
Ciidamada ayaa rasaas oodda uga qaaday xarun caafimaad oo xilligaasi ay jiifeen
tobaneeyo qof oo la ildaran cudurka shubanka, qof bukaan ah oo xilligaasi la
jiifay cudurka shubanka ayaa ku dhintay weerarka halka laba dumarka ay
dhaawacyo kasoo gaareen weerarkii ay ciidamadu ku qaadeen xarunta caafimaadka (hagarka).
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka DF-ka ay deegaanka ka
qafaasheen macalin dugsi qur’aan oo qudhiisa ay dhaawac ka gaarsiiyeen qeybaha
hoose ee jirka.
Dadka deegaanka ayaa layaabay heerka ay gaarsiisantahay cadaawadda
maleeshiyaadkan oo ay ka badbaadi waayeen dadka la dhibaataysan cudurka
shubanka, waxgaradka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in tuulada (hagarka)
ay xarakada Al Shabaab ka furtay isbitaal si KMG ah loogu karaantiilo dadka uu
cudurka shubanka soo rito soo loo xakameeyo faafidda cudurkan dilaaga ah balse maleeshiyaadkan Itoobiya soo tababartay
ay sii dhameystireen dadkii la dhibanaa diifta ka dhalatay abaaraha.
Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in maleeshiyaad
hubeysan oo taabacsan DF-ka ay weerar ku qaadeen deegaan xilligaasi gargaar
loogu fidinayay dad la tabaalaysan abaaraha.
Tuuladaa Beled Xaawo oo qiyaastii 20 KM
ujirta degmada Bardaale ayay maleeshiyaadku weerareen goob ay ku sugnaayeen dad
barakacayaal ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in
maleeshiyaadka DF-ka ay isku dayeen in ay boobaan gooba ganacsi iyo raashin
xilligaasi loo qeybinayay dadka tabaalaysan balse waxaa gurmad ahaan ugaaray
deegaanka Beled Xaawo ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab kuwaasi oo markii
dambe dagaal culus lagalay maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ee Bardaale kasoo duullaan tagay.
Dad ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in maleeshiyaadka Itoobiya
soo tababartay ay wadaan olole ay ku carqaladaynayaan ugurmashada dadka
abaaruhu saameeyeen balse Al Shabaab ayaa sheegtay in tallaab adag ay ka qaadi
doonto dhinacyadaasi cadawga nolol
diidka ah ee xasuuqaya dadka abaaruhu
halakeeyeen.
Arrintan waxay calaamatu su’aal saaraysaa run ahaashiyaha sheegashada madaxda Dowladda Federaalka ee ah
in ay gurmad u fidinayso dadka abaartu feenatay ee dalka Soomaaliya mar haddii
ciidankeedii xasuuqayaan bukaanada cudurka shubanku soo ritay islamarkaana ay
boobayaan raashinka loo qeybinayo Barakacayaasha.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Bukaano Barakacayaal Ah Ku Xasuuqay Gobolka Baay, iyo Boob Ka Dhacay Duleedk Bardaale.
Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay weerar ku qaadeen deegaan 40 KM dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu karaantiilo dadka uu soo rito cudurka shubanka.