Sawirro: Madaxweynaha Kenya oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Degmada Dhoobley.

Sunday March 19, 2017 - 09:29:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Madaxweynaha Kenya oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Degmada Dhoobley.

    Wuxuu ahaa socdaal dhuumasho ah oo uu ku yimid mid kamida saldhigyada melleteri ee ciidanka Kenya ku leeyihiin dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ahaa socdaal dhuumasho ah oo uu ku yimid mid kamida saldhigyada melleteri ee ciidanka Kenya ku leeyihiin dalka Soomaaliya.



Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay wuxuu booqasho ugu yimid ciidamadiisa duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya oo wajahaya xaalad adag oo dhan kasta ah.

Imaanshaha Kenyatta oo aan horey loo sii shaacin islamarkaana la qarinayay sabbo la xiriira cabsi laga qabo in Madaxweynuhu la kulmo weeraro uga yimaada dhanka Xarakada  Al-Shabaab ayuu kula kulmay Saraakiil iyo Ciidamo katirsan kuwa Kenya ee jooga Soomaaliya.



Uhuru wuxuu Diyaarad Hellicopter ah ku yimid degmada Dhooblay ee u dhow xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, ahna taliska ugu weyn ee Ciidamada Kenya ee Soomaaliya, waxaana halkaas uu kula hadlay ciidamadiisa.

Kenyatta wuxuu sheegay in ciidamadooda ay kala baxayaan dalka Soomaaliya marka la dhiso ciidamo Soomaali ah oo awood leh sida uu hadalka u dhigay.

socdaalka Kenyatta ee dhoobleey wuxuu bananaanka soo dhigayay in uusan aqoonsaneyn dowladda Federaalka ee Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxaana la mooday madaxweyne booqanaya qeyb kamid ah dalkiisa marka loo eego sida aysan uga war heyn madaxda dowladda Federaalka oo sheegta in ay yihiin mas'uuliyiin qaran.

"Socdaalka Kenyatta ee Dhoobleey wuxuu ka dhiganyahay hoggaamiye gumeysi oo kormeeraya magaalo ay ciidankiisu heystaan, waxba kama duwana booqashadii Bushi ee saldhigga Bagram wadanka Afghanistan" sidaas waxaa yiri Xassan Nuur oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Kenyatta ayaa Dhoobleey u xushay in ay dhacdo meel u dhow xuduud beenaadka islamarkaanka uu ku yaal saldhigga ugu weyn ee melleteriga Kenya ku leeyihiin Soomaaliya sidaas oo ay tahay booqashadiisu waxay aheyd dhuumasho xataa kuma wargelin Axmed Madoobe oo ay guddoomiyaha Kenya ugu magacaaban Jubbooyinka.

Soomaaliya malahan dowlad xalaal ah cidda kaliya ee soomaalida diinka iyo dalka u difaacaysa waa xarakada Al Shabaab oo 'Beesha caalamka' ay u taqaan 'Argagaxiso'.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee abid ay gasho dowladda Kenya ayaa ahaa dagaalkii Ceel-cadde ee sanaddii 2016 ka dhacay magaalada Ceel-cadde ee gobolka Halkaasi oo Kenyaanka looga dilay ki dhawaad 200 oo askari.

Wuxuu Ciidamadiisa ku qannciyay in joogitaankooda Soomaaliya ay ku badbaadinayaan muwaadiniin badan oo Kenyaati ah oo uu sheegay iney halis kala kulmayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, balse inkastoo Kenyatigu weli joogaan Soomaaliya hadana weerarada ay Mujaahidiintu ka fulinayana gudaha Kenya waa kuwa sii socoda.

Waa booqashadii ugu horreysay oo uu Uhuru Kenyata kusoo booqdo ciidamadiisa dhibaatada adag kula kulmaya dalka Soomaaliya.






Related Items