Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo U dhintay Dhaawac kasoo Gaaray Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Gaalkacyo.

Sunday March 19, 2017 - 17:49:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo U dhintay Dhaawac kasoo Gaaray Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Gaalkacyo.

    Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa Baarlamaanka maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa Baarlamaanka maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bootaan oo sideeddii bishaan maarso ku dhaawacmay qarax lagula eegtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka ‘Puntland’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida C/qaadir Faarax Bootaan.

Xarakada Al Shababaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dhaawacay Bootaan oo sidoo kale ayaa madaxii guddiga difaaca gobolka Mudug.


Waa xildhibaankii ugu horreeyay ee sanadkaan lagu dilo gudaha dalka Soomaaliya, Al Shabaab ayaa horay ugu goodisay in ay sare uqaadayso dilalka ka dhanka ah saraakiisha DF-ka iyo maamul goboleedyada wada shaqeynta laleh Xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items