Guddoomiyihii Maxkamadda Magaalada Kismaayo oo Mushaar La'aan iyo Amni Darro xilkii uu hayay isaga Casilay.

Sunday March 19, 2017 - 17:41:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Maxkamadda Magaalada Kismaayo oo Mushaar La'aan iyo Amni Darro xilkii uu hayay isaga Casilay.

    Mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa shaqadii uu hayay isaga tagay kadib markii uu la kulmay cadaadis amni iyo mid dhaqaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay 'Jubbaland' ayaa shaqadii uu hayay isaga tagay kadib markii uu la kulmay cadaadis amni iyo mid dhaqaale.

Xasan Macalim Aadan oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda degmada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Axmed Madoobe.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in laba arrimood dartood uu isku casilay "Xilkii aan u haayay maamulka Jubbaland waan iska casilay kadib markii xaalad amni darro aan dareemay sidoo kale iscasilaadeyda waxaa qeyb ka ah muddo bila ah oo aanan mushara ka helin maamulka” ayuu yiri Guddoomiyihii Maxkamadda Kismaayo.


Mas’uulkan iscasilay oo ay isku dhawaayeen Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay ka kala dareereen ciidamadii ilaalada u ahaa taasi oo sababtay in ay baqdin soo wajahdo.

Inta badan saraakiisha maamulka ‘Jubbaland’ ee Kenya taabacsan ayaan wax mushaar ah qaadan lixdii bilood ee lasoo dhaafay arrinkaasi oo habacsanaan geliyay shaqadii maamulka.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in dhaqaala xumo middii ugu darned uu maamulkiisu wajahayo isagoo hay’adaha Q.Midoobe ku eedeeyay in ay uga baxeen balan qaadyadii ay horay usameeyeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items