islaamiyiinta Liibiya oo Dib Ula Wareegay Xaafado Katirsan Magaalada Banghazi.

Sunday March 19, 2017 - 17:41:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    islaamiyiinta Liibiya oo Dib Ula Wareegay Xaafado Katirsan Magaalada Banghazi.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga ah ay hareereyntii saarneed ka qaadeen boqolaal qoys oo ku dhaqan magalada Banghazi ee Bariga wadankaasi dhacda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xiftar ayaa dagaalka u adeegsanaya diyaarado dagaal
Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga ah ay hareereyntii saarneed ka qaadeen boqolaal qoys oo ku dhaqan magalada Banghazi ee Bariga wadankaasi dhacda.

Kadib dagaallo culus oo shalay ka dhacay Bariga Liibiya ayay xoogaga islaamiga ah ugu suurtagashay in ay kumanaan qof shacab ah ka daad gureeyaan xaafadda Qanfuuddah oo ku dhawaad sanad ay kajirtay macluul daran kadib markii maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar ay hareereyn kusoo rogeen.

Warbaahinta wadanka Liibiya ayaa kusoo warramaysa in xoogaga islaamiga ah dib ula wareegeen xaafadaha alsaabiriyi iyo suuqul xuut halkaas oo la dajiyay dadkii lagasoo saaray deegaanka Qunfuuddah.


Ugu yaraan 21 askari oo katirsanaa maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii shalay sidoo kale diyaarad nuuca miigga ah ayay xoogaga islaamiga kusoo rideen magaalada Banghazi.

Maleeshiyaadka Xiftar oo taageero melleteri ka helaya dowladaha reergalbeedka iyo kuwa khaliijka carabta ayaa dadaal ugu jira sidii Liibiya ay uga hirgelin lahaayeen maamul lamid ah maamulkii Col.Mucamar Alqadaafi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items