Sawirro: Al Shabaab oo Gurmad Baaxad leh Gaarsiisay Qoysas Ku Dhaqan Deegaano Hoos Yimaad Degmada Ceelbuur.

Sunday March 19, 2017 - 19:32:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab oo Gurmad Baaxad leh Gaarsiisay Qoysas Ku Dhaqan Deegaano Hoos Yimaad Degmada Ceelbuur.

    Maamulka islaamiga ee kajira Bariga gobolka Galguduud ayaa sare uqaaday gurmadka uu ufidinayo dadka ku tabaaloobay abaaraha daran ee ku dhuftay dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka islaamiga ee kajira Bariga gobolka Galguduud ayaa sare uqaaday gurmadka uu ufidinayo dadka ku tabaaloobay abaaraha daran ee ku dhuftay dalka Soomaaliya.
Guddiga Gurmadka abaaraha xarakada Al Shabaab ayaa gargaar ka qeybiyay deegaano hoos yimaad degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud halkaasi oo ay ku noolyihiin qoysas abaartu saameysay.

230 qoys ayaa qoys walba lasiiyay 25 Kgr sokor ah, 25 Kg Bariis ah, 25 Kgr Bur ah iyo laba caag oo saliid ah, waana gargaar dadka kaafin karo muddo kabadan 30 maalmood.


Deegaanada gargaarka laga qeybiyay waxaa kami ah Jacar, Towfiiq, Ceel-qooxle, Ceel-Meygaag, Garbaweyn, Dac iyo deegaanno kale oo ay abaaro kajiraan.

Mas’uul katirsan guddiga gurmadka Abaaraha xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in tuulooyin iyo degmooyin dhowr ah oo Galguduud katirsan ay ka socdaan howllo gurmad ah oo isugu jira biya dhaamin iyo raashin qeybin.




Related Items