Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Magaalada Dimishiq.

Monday March 20, 2017 - 09:56:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Mucaaradka Suuriya oo Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Magaalada Dimishiq.

    Kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya ayay xoogaga mucaaradka ah ugu suurta gashay in ay qabsadaan dhul ballaran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Taxriiru Shaam ayaa qaraxyo ka fuliyay gudaha Dimishiq
Kadib dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya ayay xoogaga mucaaradka ah ugu suurta gashay in ay qabsadaan dhul ballaran.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in Hay’adda Xureynta Shaam iyo xoogag kale oo katirsan mucaaradka ay shalay gelinkii dambe ku dhawaaqeen olole melleteri oo ciidanka nidaamka Bishaar Al-asad looga xureynayo xaafado muhiim ah.

War kasoo baxay Hay’adda xureynta Shaam ayaa lagu sheegay in xoogagooda oo kaashanaya dagaalyahanno mucaaradka katirsan ay qabsadeen xaafado ay kamid yihiin Alqaabuun, Barzah iyo Tashriin islamarkaana ay kusii siqayaan xaafado kale oo caasimadda katirsan.


Ragga firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa sheegay in xoogaga mucaaradka ay isku fureen xaafadaha qaabuun iyo Jowbar oo nidaamka suuriya uu horay u go’doomiyay.

Dhinaca kale tobaneeyo kamid ah saraakiisha melleteriga dowladda Suuriya ayaa lagu dilay dagaallada ka socda magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in isbedel weyn uu ku yimid gacan ku heynta magaalada Dimishiq, haddii horumarka kooxaha mucaaradka ah uu kasii socdo caasimadda wuxuu wiiqi doonaa guulihii maleeshiyaadka shiicada iiraan iyo ciidanka Ruushka ay ka gaareen magaalada Xalab ee Waqooyiga Suuriya dhacda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
somalimemo@gmail.com

Related Items