Daawo Sawirro: Ciidamada Maamulka 'Koofur Galbeed' oo Nolosha Ku Gubay Haweenay la Xanuunsaneed Cudurka Shubanka!

Monday March 20, 2017 - 09:59:17 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Ciidamada Maamulka 'Koofur Galbeed' oo Nolosha Ku Gubay Haweenay la Xanuunsaneed Cudurka Shubanka!

    Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay xasuuqi ay maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin ay maalmo ka hor ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gurigan waxaa ku dhax gubatay Haweenay xanuunsaneed
Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay xasuuqi ay maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin ay maalmo ka hor ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Baydhabo.


Maleeshiyaadka ay tababartay dowladda Itoobiya ayaa gubay guryo dad shacab ah leeyihiin iyo xarun caafimaad oo lagu karantiilayay dadka uu soo ritay cudurka shubanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhacdo naxdin leh ay ka dhacay deegaanka (hagarka) oo qiyaastii 40 KM dhanka koonfur galbeed uga beegan magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa dab qabadsiiyay dhisme mudul ah oo ay jiiftay haweenay la ildarneed cudurka shubanka halkaas ayayna ku gubatay haweenaydii bukaanka aheyd.



Qaar kamida ehellada haweenayda ay gubeen maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in Meydka oo gubtay saacado kadib lagasoo saaray dhismaha.

illaa iyo laba qof oo ku dhaawacantay xasuuqa (hagarka) ayaa loola cararay isbitaallada, arrinta layaabka leh ayaa ah in maleeshiyaadka nolosha ku gubay dadka rayidka ay sawirro kasoo qaadeen xumaanta ay geysteen kadibna ay baraha internetka ku faafiyeen iyagoo ku marmarsiyoonaya in ay gubeen guryo ay leedahay xarakada Al Shabaab.

Falalkan bahalnimada ah oo ay geysanayaan maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay 'Koonfur galbeed' ayaa kusoo aadaya xilli abaaro daran ay ka jiraan gobollada Bay iyo Bakool islamarkaana maamullada islaamiga ay ay dadaad ugu jiraan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadkaasi tabaalaysan.

Hoos Ka Daawo sawirro muujinaya oo maleeshiyaadka gubaya guryo ay ku dhax jiraan bukaano deegaanka (Hagarka).




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items