Dhageyso: Al Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Oday 82 Sana Jir ah oo Ka Qeyb Galay Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

Monday March 20, 2017 - 19:28:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Al Shabaab Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Oday 82 Sana Jir ah oo Ka Qeyb Galay Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka.

    Maxkamad islaami ah oo kutaal degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku ridday mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa awood ku leh Koofurta iyo Bartamaha Somalia
Maxkamad islaami ah oo kutaal degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xukun dil ah ku ridday mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Fagaare kuyaal Awdheegle ayaa maanta gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka ‘Koofur Galbeed’ ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga ah oo xukunka akhrinayay ayaa sheegay in Cusmaan Diini Cali uu soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno oo kamid ah baarlamaanka DF-ka islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Sakiin ee Baydhabo kusoo xulay xildhibaanada.


Dagaa;yahana Al Shabaab ayaa horay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ugu dilay qaar kamid ah odayaashii xildhibaanada soo xulay balse Cusmaan Cali Diini ayaa nolosha lagusoo qabtay isagoo ku sugan degmada Afgooye kadibna goob fagaara ah ayaa lagu toogtay.

Halkan ka dhageyso Qaadiga Xukunka ku riday Cusmaan Diini MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items