Mid Kamida Ergadii Soo Xushay Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

Tuesday March 21, 2017 - 08:36:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Ergadii Soo Xushay Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

    Dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo odayaashii ka qeyb galay soo xulista baarlamaanka ayaa si xowlli ah uga socda magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilalka qorshaysan ee lagu ugaarsanayo odayaashii ka qeyb galay soo xulista baarlamaanka ayaa si xowlli ah uga socda magaalada Muqdisho


Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid yaa sheegaya in xoogaga katirsan Al Shabaab ay khaarijiyeen nin magaciisa lagu soo koobay Amadi oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka ee ka yimid maamulka HirShabelle.

Howlgalka lagu dilay ninkan ayaa ka dhacay meel u dhow isgoyska Afarta darjiin ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah , xoogagii dilka geystay ayaa si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.


Dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo ergada soo xushay xildhibaanada baarlamaanka DF-ka  ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku xoogeysanayey magaalada caasimada ah iyo magaalooyinka kale ee koonfurta Soomaaliya dhaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items