Dagaallo u dhaxeeya AMISOM iyo Al Shabaab oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Janaale.

Tuesday March 21, 2017 - 17:54:15 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo u dhaxeeya AMISOM iyo Al Shabaab oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Janaale.

    warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo deegaano katirsan gobolka shabeelaha Hoose ku dhaxmaray ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo deegaano katirsan gobolka shabeelaha Hoose ku dhaxmaray ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.



Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa ka dhacay deegaano u dhexeeya degmooyinka Janaale iyo Qoryooleey, Wariye Faysal Mahad oo ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaallada ugu culus ay ka dhaceen halka loo yaqaan Garas Jiireed.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si adag uga hortagay dhaq dhaqaaq ay ciidamada Uganda ka sameeyeen wadada xiriirisa degmooyinka Qoryooleey iyo Janaale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay kadib ciidamada Uganda lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan tuulada Buula Sheekh oo ay saldhig melleteri ku leeyihiin.



Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa hawada goobta dagaalka dul heehaabayay waloow aan la sheegay in duqeymo ay geysteen, dhinaca kale qarax khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad katirsan DF-ka lagula beegsaday degmada Buula Mareer.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhashay Bambaano nuuca gacanta laga tuura ah lala haleelay isku imaatin ay ciidamadu xilligaasi ku cunayeen maandooriyaha khaatka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items