Sawirro+Faah Faahin: Afar Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada London Ee Dalka Britain.

Wednesday March 22, 2017 - 20:58:06 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Faah Faahin: Afar Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada London Ee Dalka Britain.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta gelinkii dambe lagu qaaday xarunta baarlamaanka ingiriiska ee magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta gelinkii dambe lagu qaaday xarunta baarlamaanka ingiriiska ee magaalada London.



Nin gaari watay ayaa gaarigiisa jiirsiiyay dad marayay buundada Westminster ee kaabiga ku haysa dhismaha aqalka Baarlamaanka oo xilligaasi ay khudbad ka jeedinaysay haweenayda R/wasaaraha ka ah wadankaasi.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ruuxa gaariga ka dagay uu Middi ku weeraray sarkaal boolis ah oo isla goobta ku dhintay.


Taliyaha Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in ruuxii askariga tooreeyay toogasho lagu dilay, sidoo kale haweenay ayaa la sheegay in ladilay ka hor intii aysan isku dayin in ay gudaha ugasho aqalka baarlamaanka Ingiriiska.

Booliska magaalada London ayaa xaqiijiyay in dhimashada weerarka ay sii caga cageynayso afar qof oo mid kamida uu yahay sarkaal katirsan ciidanka Booliska.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in 20 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, kumanaan katirsan ciidamada Booliska ayaa lagu daadiyay goobta weerarku ka dhacay, warbaahinta BBC-da ayaa baahisay muuqaallo muujinaya xaalad cabsi leh oo ka taagan wadada Westminster oo ah halka mashaqadu ka dhacday.

Dowladda ingiriiska ayaa weerarkan u ictibaarisay mid 'Argagaxiso' oo ay ula jeedo in ay fuliyeen dad muslimiin ah inkasta oo wali aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadooda.


BBC
Boolisku wuxuu sheegay in uu tuhunsan uyahay in falkani uu yahay mid argagaxiso
مروحية

الشرطة البريطانية

Related Items