Taliban oo Qabsatay Magaalo Weyn oo Katirsan Wadanka Afghanistan.

Thursday March 23, 2017 - 17:30:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Qabsatay Magaalo Weyn oo Katirsan Wadanka Afghanistan.

    Kadib dagaallo bilo qaatay ayay ugu dambeyn dagaalyahanada Xarakada Islaamiga Taliban si buuxda ula wareegeen magaalada 2-aad ee ugu weyn gobolka Helmand ee wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo bilo qaatay ayay ugu dambeyn dagaalyahanada Xarakada Islaamiga Taliban si buuxda ula wareegeen magaalada 2-aad ee ugu weyn gobolka Helmand ee wadanka Afghanistan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa loogu bishaareeyay shacabka muslimiinta ah in magaalada Sanjiin ay ku dhacday gacanta ‘Mujaahidiinta’.

Qaari Max’med Yuusuf Axmedi Afhayeenka Taliban ayaa Bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamadoodu ay saaka aroortii hore qabsadeen magalada Sanjiin kadib markii ciidamadii xukuumadda Kabul oo muddo bila ah hareeraysnaa ay xalay saqdii dhexe isaga baxeen iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga ukaca.


Taliban waxay sheegtay in gaadiid gaashaaman iyo Bakhaaro hub ah ay ka heshay saldhigyadii ay ka guureen ciidamada xukuumadda dabadhilifka ah.

isku dayo dhowr ah oo uu sameeyay isbahaysiga NATO si uu ubadbaadiyo magaalada Sanjiin ayaa fashilmay taasi oo Taliban usahashay in ay si fudud uqabsadaan Sanjiin.

Wariyaal ku sugan wadanka Afghanistan waxay sheegeen in 95% ciidamada Taliban ay maamulayaan gacan ku heynta gobolka Helmand ee Koonfurta Afqaan dhaca

Related Items